Khaatuma oo eedeyn u jeedisay dowladda FS
Maamulka KMG ah ee SSC- Khaatumo ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in mashaariic loogu talo galay degaannada maamulkaasi loo marsiiyay Somaliland.
Khaatuma ayaa sheegtay arrintani muujinayso in dowladda federaalku weli aaminsan tahay in degaanada SSC- Khaatumo ay katirsan yihiin Somaliland.
Hoggaamiye ku xigeenka SSC Khaatuma Dr. Maxamed Shiine ayaa sheegay, dowladda federaalka in looga baahan yahay inay mashaariicda bini’aadantinimada u qeybiso si caddaalad ah, si gaar ahna u eegto degaaanada nugul sida SSC- Khaatumo.
DR. Shiine ayaa hoosta ka xariiqay in aan la aqbali karin in dowladdu mashaariicdii loo qoondeeyay in laga fuliyo SSC islamarkaana ay geyso magaalada Hargeysa.
Waxaa uu tilmaamay inay horey dowladda uga tabanayeen in aysan kasoo bixin kaalinta ay ka filayeen.
“Waxyaalaha la yaabka leh waxaa kamid ah, mashaariicaha la leeyahay Somailand baa la marinayaa, xaggee laga fulinayaa? soo waddankii dadkii lahaa gacanta kuma hayaan. Mise waxaa la rabaa in mashaariicahaas ay Somaliland ku gadato hub iyo saanad ay kusoo weerarto SSC- Khaatumo,” ayuu yiri Dr. Shiine.
Hadalka hoggaamiye ku xigeenka SSC- Khaaatumo ayaa yimid, iyadoo dowladda federaalku ay u qoondaysay lacag badan 60 milyan oo dollar lagu bixinayso arrimaha waxbarashada.
Degaanada laga fulinayo mashruucaan oo socon doona saddex sano kuma jirto SSC- Khaatumo.
GalmudugMirror
Garoowe, Puntland