Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magacaabay wasiirro cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Dowladda Galmudug.
Wareegto lagu shaaciyay barta facebook madaxtooyada Galmudug ayaa lagu magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya golaha wasiirada Dowlada Galmudug, wasiirada la magacaabay ayaa kala ah:
- Wasiirka Caafimaad Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac
- Wasiirka Gaadiid iyo duulista hawada Cabdinuur mxamuud Maxamed
- Wasiirka Dhaliyarada iyo Ciyaaraha Cabdiwahaab Sh.Abuukar Nuur
- Wasiiru dowlaha Maaliyada Cabdirisaaq Maxamed Jaamac
- Wasiir kuxigeenka Gadiidka Duulista hawada Cabdiqadar Axmed Maxamuud
- Wasiiru dowlaha Waxbarashada Cabdi qadar Sh. Xasan Ismaaciil
Wasiiradaan cusub ayaa imaanaya xili uu madaxweynaha Galmudug shaaciyay in la sii laba jibaarayo dagaaalka lagula jira Alshabaab.