MADAXWEYNAHA OO DAAHFURAY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE PUNTLAND.

0
40

MADAXWEYNAHA OO DAAHFURAY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE PUNTLAND

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee dowlada  Puntland, oo ay sanadkan u fariisteen 21801 Arday oo dhameystay Waxbarashada Fasallada 8-aad iyo 12-aad ee Dugsiyada dhexe iyo Sarre ee Gobolada Puntland.

Madaxweynaha ayaa gacantiisa ugu qeybiyey waraaqaha u horeeyay ee Imtixaanka qaar ka mid ah ardayda Puntland, wuxuuna ugu duceeyay in Allaah u fududeeyo Imtixaanaadka, isagoo u rajeeyay dhammaantood mustaqbal wanaagsan.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Mudane Fu’aad Abshir Adeer iyo Bahda Waxbarashada Puntland, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

Puntland Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here