Madaxweynaha soomaaliya iyo hogaamiyaha galmudug oo gaaray furimaha dagaalka galmudug

0
25

Madaxweynaha soomaaliya iyo hogaamiyaha galmudug oo gaaray furimaha dagaalka galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan hogaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor, wasiirka difaaca soomaliya, wasiirka arimaha gudaha DFS Axmed Moalim Fiqi iyo saraakiil ciidan  ayaa si diiran loogu soodhoweeyay degmada Xarardheere ee koonfurta Gobolka mudug.

Ujeedka safarka madaxdaan ayaa lagu sheegay dar-dargalinta dagaalka ka dhan argagixisada iyo dhiirigalinta CXD  iyo ciidamada macawisleyda degaanka.

Socdaalkan ayaa ku soo aadaya xili uu maalmihii la soo dhaafauy sii xoogeysanayay howgalka ka dhankaa kooxaha khawaarijta ayna ciidamada deegaanka iyo kuwa dowlada ay gaareen guulo horleh  walow ay jiraan deegaano horay loo xorreeyay oo dib looga baxay.

 Sidoo kale madaxweynayaasha ayaa gaaray degmada ceel dheer gobolka galgaduud taas oo ciidamada dowlada ay alshabaash kala wareegeen.

Madaxweynaha soomaaliya ayaa ku howlan dalacsiinta saraakiisha ciidamada kuwaas uu sheegay in ay muteysteen in la dalacsiiyo maadaama ay naftooda iyo waqtigooda u hureen difaaca deegaanka waxa uuna ugu baaqay shacabka Galmudug in ay xoojiyaan taageerada ciidamada si looga adkaada cadwga umadda soiomaaliyeed.

Safarkaan ayaa hogaamiyaha  Galmudug  axmed cabdi   kaariye  qoor qoor waxa uu u noqonayaa kii ugu horeeyay u uku tago magaalada ceel dheer tan iyo markii uu qabtay hogaanka Galmudug.

Socdaalka madaxweynaha soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili gollaha shacabka soomaaliya ay ansixiyeen waxka badalka dastuurka taas oo la rumeysanyahay in ay horay u wiiqday howlgalka kla dhankaa alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here