Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid oo uu wehliyo Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Mudane Ahmed Ali Maxamed (Cantoobo) ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamreeb kulan miro dhal ah kula qaatay wafdi isugu jiray Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ay kala hogaaminayeen Agaasimaha Waaxda Yaraynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Marwo Zahra Cabdi Maxamed iyo Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha QM ee Arrimaha Deegaanka iyo Beni’aadamnimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway.
Kulanka ay wafdiga isku dhafka ah la qaateen Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug ayaa diiradda lagu saaray xal u helidda arimaha barakacayaasha ee ku nool deegaanada hoos yimaada Maamulka Galmudug iyo sidii loo gaarsiin lahaa mashaaric xal waara oo wax looga qabto xaaladda barakaca ka jirta Galmudug.
Labada dhinac ayaa isku afgartay in la mideeyo daddaalada ku saabsan in bulshooyinka barakaca ah loo helo xal waara iyadoo Dowlad Goboleedka Galmudug ay kaalinteedu tahay in barakacayaasha ay siiso dhul, iyo in ay hubiso isdhexgalka dhaqan dhaqaalle ee dadka deegaanka iyo barakacayaasha halka Qaramada Midoobay uu dowrkeeda yahay dhisidda guryo wanaagsan, abuuridda ilo dhaqaalle, iyo daboolidda baahiyaha asaasiga ah si waafaqsan wadiiqooyinka xal iyo qorshaha xalka waara ee Galmudug 2024-2025 iyo xaqiijinta himillada caalamiga ah ee lagu doonayo in hal malyuun oo barakacayaal Soomaali ah laga saaro xaaladda barakaca sanadka 2025-ka
Xubnaha wafdiga QM waxaa ka mid ahaa wakiilo ka kala socday Xafiiska La-taliyaha Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Xal-u-helida Barakacayaasha Aaduunka, Xafiiska Xiriiriyaha Qaramada Midoobay ee Arimaha Banaa’aadannimada ee Soomaaliya, Xafiiska UN-Habitat ee Soomaaliya, UNDP, UNICEF, IOM iyo UNHCR.
Dhinaca kale, Wafdiga Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo kan Qaramada Midoobay ayaa kulan wadajir ah la qaatay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Duqa Magaalada Caabud-Waaq, Ku-xigeenada Duqa Dhuusamareeb, Cadaado, iyo Gaalkacyo kuwaasi oo magaalada dhuusamareeb u jooga ka qeybgalka Aqoon iswaydaarsiga ku saabsan dejinta Qorshe Hawleedka Xalka Waara oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Yaraynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo kaashaneysa Wasaarada Qorsheynta Dowlad-goboleedka Galmudug. Kulanka ayaa looga hadlay caqabadaha ay wajahayaan barakacayaasha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa madaama magaalooyinkan ay yihiin kuwa ugu badan ee martigeliya barakacayaasha.
Wafdiga ayaa booqday xerada barakacayaasha Arlaadi oo ku taala duleedka magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo ay kula kulmeen qaar ka mid qoysaska barakacayaasha ah oo badankooda ka soo barakacay gobolada dalka halkaasi oo ay ku dhufteen musoobooyin dabiici ah sida abaaraha, daadadka iyo isbedelka cimiladda. Barakacayaasha ayaa uga warbixiyay wafdiga xaaladda ay hada ku nool yihiin iyo baahida ay u qabaan adeegyada aasaasiga ah sida xarun caafimaad, goob waxbarasho, biyo ku filan iyo fayo dhowr, iyadoo wafdiga ay balan qaadeen in baahidooda wax laga qaban doono sida ugu dhaqsiyaha badan.
Ugu danbayntii, Waxaa la soo gabagabeeyay aqoon iswaydaarsiga ku saabsan dejinta Qorshe Hawleedka Xalka Waara oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Yaraynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, waxaana khudbado xiritaan ah ka jeediyay Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Mudane Axmed Cali Maxamed (Cantoobo), Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha QM ee Arrimaha Deegaanka iyo Beni’aadamnimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway, iyo Agaasimaha Yaraynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Marwo Zahra Cabdi Maxamed, iyadoo sidoo kale hadalo bogaadin iyo mahadnaq isugu jiray ay ka jeediyeen Gudoomiyha Gobolka Galgaduud, Duqa magaalada Caabud-Waaq, iyo Ku-xigeenada Duqa ee Magaalooyinka Dhusamareeb, Cadaado, iyo Galkacyo.