Madaxweyne Xasan Shiikh oo qaadaya tilaabo wax looga badalayo hogaanka dagaalka ka dhankaa Alshaab.

0
45

Madaxweyne Xasan Shiikh oo qaadaya tilaabo wax looga badalayo hogaanka dagaalka ka dhankaa Alshaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay Hoggaanka Wasaaradda iyo Ciidanka Xoogga.

Saraakiisha ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixinihii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay, waxayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay Ciidamada Qalabka Sida in ay sii wadaan halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Madaxweyne Xasan sheikh ayaa maalmahaan ku howlanaa dar dargalinta dagaalka ka dhankaa Alshabaab isagoona booqday furimaha dagaalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu wado madaxweynaha isku shaandheyn  hogaanka ciidamada iyo waxka badalka hogaaminta Dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here