Malaga yaa baa Dowlada Soomaaliya ay joojiso duulimaayada ethopian Airline ee Deegaanada PUNTLAND xili Wasiirada Puntland ay Ku sii qulqulanayaan Itoobiya.

0
57

Malaga yaa baa Dowlada Soomaaliya ay joojiso duulimaayada ethopian Airline ee Deegaanada PUNTLAND xili Wasiirada Puntland ay Ku sii qulqulanayaan Itoobiya.

Waxaa Maanta gaararay Magaalada Adis Ababa Dalka  Itoobiya  Wasiirka Duulista Hawada, Cabdillaahi Bile iyo wefi uu hogaaminayo ,ka dib weftigii dhawaan ee is-afgaradka la gaaray Itoobiya.

Weftigan Duulista Hawada ee Puntland ayaa la kulmay Wasiir-dowlaha Gaadiidka Itoobiya, Mr Dhenge Boru, Mareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada ee dalkaas, Mr Getachew Mengistie iyo Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines, Mesfin tasew Bekele.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xidhiidhka Addis Ababa iyo Garoowe iyo kor u qaadista duulimaadyada diyaaradda Itoobiya ee Boosaaso iyo Garoowe, iyada oo la soo kordhinayo  “Duulimaad xammuul ah.”

Dowlada soomaaliya itoobiya xariirka u jaratya

Araintaa ayaa ku soo adeysa xili dowlada soomaaliya ay xariirka diblumaasyadeed u jaratay dowlada dariskaa ee toobiya taas ku danbeeysay markii itoobiya ay ku xad gudubtay madaxbaanida soomaaliya.

Sidookale soomaaliland ayaa horay ula safatay itoobiya iyadoona buuq xoogan uu ka dhashay isticmaalka hawada soomaaliya .

Dadka odoras siyaasada soomaaliya ayaa sheegaya in laga yaabo wasaaradda duulista hawada soomaaliya ay arinta ay suurtagaltahay in ay tilaabo sharciga waafaqsan ka qaadi karto arintaan ay Puntland ku dhaqaaqday .

Lamasa oga waxa y dowlada soomaaliya ka yeeli doonto madaama uu wali dalku uu ku guda jiro fasaxa munaasabada ciidaul fidriga.

Laxariirta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here