Maraykanka oo duqeymo ka geystay Yemen
Millatariga dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeymo cirka ah ku garaaceen bartilmaameedyo ay Xuutiyiinta Yemen ku leeyihiin magaalooyinka Sanca iyo Xudeyda ee dalka Yemen.
Xarumaha uu duqeeyay Maraykanka ee ku yaalla Yemen ayaa waxaa kamid ah xarumo ciidan oo muhiim u ahaa kooxda Xuutiyiinta.
Saraakiil u hadashay millatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay madaafiic ku garaaceen ilaa shan xarumood oo waa weyn oo isugu jira, qeybaha ay yaallaan keydadka hubka, saldhiyo millatari iyo saanado ciidan oo ay leeyihiin kooxda Xuutiga ee taageerada ka hela Iran.
Kooxda Xuutiyiinta warbaahin ay leedahay ayaa ku warrantay in 7 gantaal ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada Xudeyda, oo ah magaalo istaraatiiji ah oo leh dakad weyn.
Waxaa kale oo uu sheegay, in afar gantaal lagu dhuftay eeriyada Siyaana ee magaalada caasimadda ah ee Sanca.
Weeraradaasi cirka ahaa ayaa yimid, maalmo kaddib markii ay Xuutiyiintu ku hanjabeen in ay sii wadi doonaan howlgallada millatari ee ka dhanka ah Isra’il, waxyar kaddib marki ay soo rideen diyaarad ku aanan duuliyaha laheyn oo uu leeyahay Mareykanka oo kor mareysay hawada Yemen.
Xafiiska Muqdisho
Shabakadda Galmudugmirror