Mareykanka oo duqeyn ku dilay saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab..

0
49

Mareykanka oo duqeyn ku dilay saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab

Muqdisho (Galmudug mirror) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa ka warbixiyay bixiyay howlgal dhanka hawada ah oo ay diyaaradahooda dagaalka 10-kii bishan ay ka fuliyaan gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.

AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan iyadoo kaashaneysa dowlada fedraalka soomaaliya kana jawaabeysa codsi kaga yimid  codsi uga yimid dowladda federaalka Soomaaliya, ayna ku beegsatay xubno ka tirsan kooxda  Nabadiidka Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Ugunji oo 71 km dhinaca Koonfur Galbeed uga beegan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka laga soo xigtay Africom.

Taliska africom ayaa soo  saaray qiimeyn hor dhac ah oo ku aadab weerarka ayaa sheegay inay ku dileen illaa saddex sarkaal oo ku sugnaa goobta la duqeeyay, balse africom ma aysan shaacin magacyada lagu bartilmaameystay howgalkan .

Sidoo kale AFRICOM ayaa bayaan kooda ku sheegtay in ay hubiyeen ayna xaqiijiyeen in aysan wax dhibaato ah uusan soo gaarin dadka rayidkaa ee ku dhaqan deegaanka la bartilmaameystay .

Deegaanka ugunji ayaa haatan dagan balse waxaa laga dareemayaa in halkaas dhibaato xoogan loogu geystay alshabaab.

Wixii soo kordha halkaan kala soco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here