Maxaa looga hadalay kulanka Madaxweynaha Galmudug iyo Safiirka UK.

0
52

Maxaa looga hadalay kulanka Madaxweynaha Galmudug iyo Safiirka UK.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya mudane Michael Nithavrianakis.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga oo dhinacyo badan leh, la dagaalkan argagaxisada, arrimaha xasilinta iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dowlada uk kaga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen xalinta dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira soomaaliya taageerida arimaha gargaarka , la dagaalanka argagixisada soomaaliya iyo dibudhiska ciidamada soomaliya.

Safiirka UK soomaaliya ayaa waxa uu dhankiisa bogaadiyay booqashada madaxweynaha Galmudug isagoona sheegay in dowladiisu ay gacan ka geysaneyso sidii soomaaliya markale caga heeda iskugu taagi lahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here