Maxkamadda Banaadir oo xukuntay Qoys Shabaab ah

0
9

Maxkamadda Banaadir oo xukuntay Qoys Shabaab ah

Maxkamadda gobalka Banaadir ayaa xukuno kala duwan ku riday qoys ku eedeysanaa in ay maalgalinayeen kooxaha Khawaarijta islamarkaana ay dhaqaalo ugu aruurinayeen akoono ay u sameeyeen.

Xasan Cusmaan Aadan ayaa lagu xukumay 13 sanno oo xarig ah iyo 20 kun oo dollar.

Faadumo Xasan Cusmaan, Aamina Abdullahi Abanuur iyo Xasana Aweys Khaasim ayaa lagu xukumay min laba sanno oo xarig ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa ku dhawaaqay xukunka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wixii ka dambeeyay markii ay gulufka dagaal ku qaadday dagaallamayaasha Shabaab waxaa hay’adaha garsoorka ka soo muuqanayay dadyow kale duwan oo ku eedeysan inay kooxda ka mid ahaayeen ama ay siyaabo kale ugu adeegayeen.

Waxaana wixii ka dambeeyay markii kooxda cunqataynta dhaqaale lagu soo rogay dowladda ay maxkamad saartay dad kale duwan oo arrimaha maaliyadda ugu adeegayay Shabaab kuwaasoo badi laga soo dhex qabtay magaalada Muqdisho.

Muqdisho, Soomaaliya

Shabakadda GalmudugMirror

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here