MUDUG: Howlgallo ciidan oo ka socda Wisil & Xarardheere
Wararka ka imaanaya degaanno dhaca Koonfurta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in ay ka socdaan howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa difaaca degaanka oo ay wehliyaan ciidanka daraawiishta dowladda Galmudug.
Ciidamada huwanta ayaa howlgalladani ka wada jihooyin kale duwan oo dhaca degmooyinka Wisil iyo Xarardheere.
Ilo degaanka ah ayaa u xaqiijiyay Shabakadda GalmudugMirror ciidamada mujaahidiinta degaanka oo gacan ka helaya kuwa federaalka iyo daraawiishta Galmudug ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyay degaanno kala qeybiya magaalooyinka Wisil iyo Xarardheere.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa tilmaamay in howlgalladani ay yihiin kuwa ay doonayaan in ay sifeeyaan haraadiga dagaallamayaasha kooxda gacan saarka la leh argagixisada Alqaacida ee Shabaab.
Sidoo kale, howlgallo kuwan la mid ah ayaa iyana ka soconaya degaanno dhaca magaalada dekadda leh ee Xarardheere ee Koonfurta Mudug.
Howlgallada ballaaran ayaa in dhowaana ahba ciidamada huwanta ay ka wadeen degaanno hoostaga degmooyinka Xarardheere iyo Wisil.
Wixii ku soo kordha dib kala soco halkaan.
Xafiiska Gaalkacyo
Shabakadda GalmudugMirror