Muhaajiriin doonyo kula quuseen aagga xeebaha Jabuuti

0
10

Muhaajiriin doonyo kula quuseen aagga xeebaha Jabuuti

Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa shaacisay in 45 qof oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen xeebaha Jabuuti, kadib markii laba doon oo ay la socdeen ay ku quuseen biyaha Badda Cas.

Doonyaha qarraqmay oo kasoo shiraacday dalka Yemen ayaa watay 310 qof, waxaana illaa iyo hadda la badbaadiyay 32 qof oo kaliya.

Maraakiibta ku sugan aagga biyaha Badda-Cas ayaa billaabay u gurmashada Tahriibayaashani ka soo ambabaxay dalka Yemen.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in muhaajiriinta ay isugu jireen Carab iyo Afrikaan, balse lama shaacin dalalka ay ka soo kala jeedaan iyo dhalashada.

Lama shaacin weli heybta dadka ku dhintay shilkaas.

Carta, Jabuuti

Shabakadda GalmudugMirror

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here