MW Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo

0
11

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa aakhirkii isaga hulleelay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo uu ka socday shirkii wada-tashiga Qaran.

Mudane Axmed Islaam oo ka duullay garoonka Aadan Cadde ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada caasimadda KMG Jubbaland ee Kismaayo ayada oo weli aan la soo saarin war-murtiyeedka shirka gollaha wada-tashiga Qaran.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Suldaan Cabdulqaadir Luga-Dheere, guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Cabdi, masuuliyiin ka kala tirsan labada golle ee dowladda iyo qaar kamid ah bulshada ayaa madaxweyne Axmed Madoobe ku soo dhoweeyay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in madaxweynaha Jubbaland uu shir jaraa’id ku qaban doono magaalada Kismaayo, isaga oo faah-faahin doono arrimaha xasaasiga ah ee la isku mari waayay, gaar ahaan arrinta doorashooyinka.

Sida Warsidaha Galmudugmirror uu horey u baahiyay Axmed Madoobe ayaa si cad u diiday in dowlad goboleedyada loo sameeyo hal sano oo muddo kororsi ah, kadibna la qabto doorashooyin qof iyo cod ah bisha November ee sanadka 2025-ka.

Sidoo kale wuxuu ka fuqi diiday doorasho dadban, isagoo soo jeediyey in sanadkaan dowlad goboleedyada loo madax-baneeyo doorashooyinka, maadaama aan horay looga heshiin, muddo kororsina uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xujo ka dhigay in arrinta doorashada go’aan looga gaaro shir ay goobjoog ka yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Khaatumo, si beesha Daarood ay door ugu yeelato miiska go’aanka looga gaarayo masiirka dalka.

Tagista madaxweynaha Jubbaland iyo go’aankiisa diidmada ayaa muunineyso inuu fashilmay shirkii golaha wadatashiga qaranka oo shantii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, maadaama aan illaa iyo hadda laga soo saarin go’aanno ama war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha lagu heshiiyay.

Xafiiska Baledxaawo

Shabakadda GalmudugMirror

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here