MW Biixi oo kormeeray dhismaha suuqa Hadhwanaag
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha casriga ah ee suuqa Hadhwanaag oo laga hirgeliyey bartamaha suuqa Hargeysa.
Suuqan Cusub ayaa ah mid wax badan ku soo kordhin doona suuqyadii hore ee Caasimada Hargeysa iyo adeega arrimaha bulshada ee casriga ah.
Madaxweyne Muuse Biixi oo ay wehelinayaan wasiirradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta reer miyiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo), gudoomiyaha rugta ganacsiga, Jamaal Caydiid, Maayarka Caasimada Hargeysa, Mudane Cabdikariim Axmed Mooge iyo Xoghayaha Dawladda Hoose Mudane Siciid Nuur Jaamac.
Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland soo indha-indheeyay oo kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay dhismaha suuqani Hadhwanaag ee magaalada Hargaysa.
Wa-bilaahi Tawfiiq
Galmudugmirror
Hargaysa, Somaliland