MW Farmaajo oo tegaya magaalada Laascaanood
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo weli ku sugan magaalada Garoowe ayaa sheegay in uu dhowaan booqan doono degaannada SSC-Khaatumo.
Farmaajo Madaxweyne hore, ayaa sheegay in uu Safarkiisa degaannada SSC Khaatuma, kala hadlay hoggaamiyaha maamulkaasi Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye islamarkaana uu halkaasi tegi doono bisha Ramadaanta kaddib.
“Aniga iyo hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye waxaan ka wada-hadalnay oo aan isku sheegnay in ay qurxoon tahay inaan dib usoo noqdo marka kulanka uu halkan ka dhacaayo aan waqti fiican ku imaado Khaatumo”. Ayuu yiri mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
“Waxaan ka bilaabeynaa magaalada Laascaanood, Buuhoodle, Guumeys, Carooley iyo wixii suurtagal ah oo deegaanadaas ah oo aan dadka la kulano” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
“Waxaan rajeynaayaa inaan sida ugu dhaqisyaha badan ugu soo noqdo Puntland, kadibna aan socdaalkaas ku bixiyo Khaatumo, haddii uu alle yiraado” ayuu mudane Farmaajo sii raaciyay hadalkiisa.
Farmaajo, ayaa horey u taageeray maamulka Khaatuma, isagoo dhalleeceyn culus u jeediyay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
GalmudugMirror
Garoowe, Puntland