MW Qoorqoor oo qaabilay safiirka Turkiga (Sawirro)
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabbilay safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktas iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid magaaladani caasimadda ah ee Dhuusamarreeb.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, la dagaalanka argagaxisada iyo taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekadaha iyo Waddooyinka.
Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa kala hadlay safiirka mashaariicda horumarineed ee dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya iyo qeybta Galmudug.
Waxaa sidoo kale uu uga warbixiyay horumarrada ka jira dowlad goboleedkan Galmudug iyo xaaladda Ammaan ee gobolka.
Kulankani ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweyne Qoorqoor uu jiro bilihii u dambeeyay ee muddo xilleedkiisa waxaana lagu wadaa in Galmudug ay aaddo doorasho.
Iyadoo xaalad kala guur ah ay marayso Galmudug haddana waxaan caddayn nooca doorasho oo uu maamulkani aadayo inay tahay cod iyo qof iyo in tii hore uun loo marayo dhismaha Galmudugta soo socota.
Dhuusamareeb, Galmudug
Shabakadda GalmudugMirror