MW Xasan oo booqday ciidan lagu tababarayo Eritrea
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Eritrea ayaa kormeeray xerooyin ay ku jiraan ciidamo Soomaali ah oo loo tababarayo difaaca Cirka ee dalkeenna.
Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay saraakiisha iyo taliyeyaasha hoggaaminaya ciidankaasi, isagoo ku bogaadiyey horumarka ay ka sameeyeen mudadii uu socday tababarka.
Madaxweyne Xasan ayaa ka dhawaajiyay sida ay dowladdu uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda iyo tayada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ciidamada kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda, isaga oo xusay in ay door muhiim ah ka qaadan doonaan sugidda amniga iyo difaaca hawada dalka.
Xafiiska Muqdisho
Shabakadda GalmudugMirror