Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kula leh magaalada Casmara ee dalka Eritrea dhiggiisa dalkaasi.
Mudane Xasan Sheekh oo xalay ku hoyday magaaladaasi ayaa lagu soo warramayaa in halkaasi uu kulamo kula leeyahay madaxweyne Asias Afawerki.
Kulamada labada madaxweyne ayaa lagaga arrinsanayaa xiriirka iskaashiga ee labada dowladood iyo sidoo kale arrimaha ammaanka iyo horumarka wadamada gobolka.
Dalka Erirtea ayaa waxaa wali ku sugan kumanaan ciidamada qaranka Soomaaliya ka tirsan kuwaasoo halkaas u jooga tababar ciidannimo, oo lagu sheegay inuu yahay midka ugu adag.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dedaal ugu jira sidii uu wadamada gobolka iyo kuwa caalamiga ahba dowladdiisu uga heli lahayd taageero la xiriirta dagaalka ka dhanka ah dagaallamayaasha Alshabaab.
Inta uu joogo dalka Eritrea waxaa la filayaa in madaxweyne Xasan uu kormeero qaar kamid ah xeryaha ay ku jiraan ciidamada qaranka ee loo tababarayo dowladda federaalka ah.
GalmudugMirror
Muqdisho, Soomaaliya