MW Xasan oo la kulmay saraakiisha haweenka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga awgeed kulan dhiirigelin ah la yeeshay qaar ka mid ah Saraakiisha haweenka ah ee ku jira Ciidamada qalabka sida.
Waxaa uunna ku bogaadiyay sida nafhurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalka,ilaalinta gobanimada iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna ku booriyay in ay laba jibaaraan doorkooda halganka dib u xoreynta dalka, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Munaasabaddani waxaa goobjoog ahayd guddoomiye ku xigeenka koobaad ee gollaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo sidoo kale taliye ku xigeenka booliska GEN. Zakiya Xuseen.
GalmudugMirror
Muqdisho, Soomaaliya