MW Xasan oo si kulul ugu jawaabay Shariif iyo Farmaajo

0
23

MW Xasan oo si kulul ugu jawaabay Shariif iyo Farmaajo

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane DR. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay Masaajidka ku dhex yaalla Madaxtooyada ayaa si adag uga hadlay xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka.

Xasan oo weli ku dhagan mowqifkiisa dhammaystirka dastuurka KMG ah ayaa marka hore sheegay in la joogo xilligii loo guntan lahaa howsha dastuurka, maadaama uu sanado badan qabyo ahaa, ayna lagama maarman tahay in la dhaqaajiyo oo hore loo wado.

Madaxweynaha oo u jawaabay madaxdii hore oo meel adag iska taagay wax ka beddelka dastuurka kuwaasoo ay ugu horreeyaan Shariif Axmed iyo Maxamed Farmaajo ayaa ku dhaliilay sida ay u wajaheen arrintaan, isaga oo sheegay in iyaga xaq loogu leeyahay inay waajibkooda ka gutaan dastuurka, maadaama ay yihiin xildhibaanno ka tirsan BF.

 “Masuuliyiinta maanta hadlaya qaarkood waa xildhibaano waajib waxaa loogu leeyahay Alle hortiis inta ay yimaadan baarlamaanka ay ra’yigooda meesha ka dhiibtan, baarlamaan wuxuu baarlamaan ku yahay nidaamkiisa in uu raaco,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Baarlamaanka waa tagaya waxa rabo oo ila quman ayaa sheegaya waana in la qaata dhaqan baarlamaan, mid dimuqraadiyadeed iyo mid fiican toona maaha. Baarlamaanka Federaalka ayay kasoo dhex baxdaa shuruucda umadda lagu hayo.”

Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in nidaamka cusub ee lagu beddalayo haykalka dowladnimo ee dalka ay ku timid diidmada laga muujiyay hannaanka iminka ay Soomaaliya ku dhisan tahay dowladnimadeeda.

 “Sidii hore hadaa rabin oo dowlad-goboleedkii uusan rabin, oo heshiiskan waxaa keenay hoggaanka dowlad-goboleedka oo waxaa lagu saleeyay wixii shalay laga bartay doorashadii dhacday. Mid sidaa isku dooran jirnay ka fiican ayaa isku dooran doona laakiin weli in lasii hormuriyo usii baahnan doonta ayaa isku dooran doona, waana dowladnimada.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dheeraaday marxaladihii uu soo maray dastuurka KMG iyo sida dowladihii kala dambeeyay ay waxba uga qaban waayeen, isagoo ku tilmaamay mashruuc ay ku baxday malaayiin dollar.

 “Dastuurka ayay ku cadahay cidda go’aanka wax ka beddelka iyo hore u socodsiintiisa iska leh. Sanad aan dastuurka laga shaqeynayn ma jirin, oo dastuurkan mashruuc ayuu ahaan jiray oo malaayiin ayaa ku bixi jirtay oo dibadda ayaa lagaga soo shaqey jiray,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya xilli ay magaalada Garoowe ku wada sugan yihiin madaxweyneyaal hore Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Farmaajo oo ay wehliyaan xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah.

Waxaa sidoo kale, arrintani dastuurka ay isku aragti ka yihiin madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo weli khilaaf siyaasi ah uu kala dhaxeeyo madaxtooyada federaalka.

GalmudugMirror

Muqdisho, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here