Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Eritrea.
Madaxweyne Xasan ayaa halkaasi kulan xasaasi ah kula yeelan doona dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki, oo ay ka wada-hadli doonaan iskaashiga labada dhinac.
Sida ay shaacisay Villa Soomaaliya, kulankani ayaa labada madaxweyne waxa ay kaga hadli doonaan xiriirka xukuumadaha Muqdisho iyo Casmara iyo sidoo kale iskaashiga labada dowladood.
Eritrea ayaa waxaa iminka ku sugan oo tababar ku qaadanaya qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida, waana mid kamid ah waddamada Soomaaliya ka gacan siiya tababarka ciidamada, kaasi oo lagu tilmaamo midka ugu adag ee la siiyo ciidankeenna.
Madaxweynaha ayaa inta uusan ka ambabixin garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde ku sii sagootiyey mas’uuliyiin iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka SYL.
Xubnahan oo loo qaaday dalka Turkiga, ayaa waxba looga qaban waayo xaaladooda caafimaad gudaha dalka, kuwaasi oo hadda xaaladdooda caafimaad lagu soo daaweynayo dalka dibaddiisa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sii sugnaan doona dalka Eritrea isagoo inta uu joogo sidoo kale booqan doona xeryaha lagu tababarayo ciidamada qaranka Soomaaliyeed.
GalmudugMirror
Muqdisho, Soomaaliya