Xasan oo u safray Kenya(Ujeedka kulanka mucaaradka)
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar dibadda ah ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Safarkani madaxweynaha uu ku aaday magaalada Nairobi waxaa ku wehlinaya masuuliyiin ka kala tirsan labada gole ee dowladda FS iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi uu kula kulmo dhiggiisa dalka Kenya William Rutto.
Kulanka labada madaxweyne ayaa looga hadlayaa xoojinta xiriirka xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi iyo sidoo kale iskaashiga amniga, dhaqaalaha ee labada dhinac ka shaqeeya iyo arrimo kale.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh inta uu ku sugan yahay magaaladaasi Nairobi uu kulamo la qaadan doono madaxda diiddan wax ka beddalka dastuurka dalka oo ay ugu horreeyaan madaxweyneyaal iyo raysal wasaareyaal hore.
Shirkani, oo horey loogu ballamay ayaa waxaa kaalin ku leh siyaasiyiin iyo ganacsato ay isku degaan yihiin madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheekh waxaana madaxda mucaaradka oo qorshuhu yahay inay ku kulmaan Nairobi kamid ah madaxweynihii dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed.
GalmudugMirror
Muqdisho, Soomaaliya