Puntland oo mowqif cusub ka tiri xiisadda Dastuurka
Madaxweyne ku xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay, in wax ka bedelka dastuurka ay horseedi doonto kala tagga umadda Soomaaliyeed.
Waxaa uu tilmaamay mudane Lugatoor in arrintaasi haddii aynaan ka laaban madaxda federaalka ay keeni karto inay dhaawacdo midnimada dalka.
Madaxweyne Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay haddii Soomaalidu ay kala qaybsanto in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu keligiis masuuliyadeeda qaadanayo.
Hadalka madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa yimid, xilli Puntland dhowaan ay shaacisay inay u dhaqmayso sida dowlad madax bannaan, iyagoo kalsoonadii kala noqday dowladda federaalka.
Maalmo kaddibna maamulka Puntland ayaa bilaabay inuu wafdi u diro Ethiopia, si ay ulasoo yeeshaan wada xaajoodyo ku saabsan in Ethiopia ay iskaashi dhow la yeelato maamul goboleedka Puntland.
Sidoo kale, Puntland ayaa ka hor-timid go’aan kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya, kaasoo ku saabsanaa in la xiro qubsuliyadda ay dowladda Ethiopia ku leedahay magaalada Garoowe, taasoo weli aan dhaqan-gal noqonin illaa iyo iminkana waxaa shaqeynaya xarunta qunsuliyaddaasi ay ku leedahay magaalada Garoowe.
Geesta kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay tabasho kaste oo la qabo in aysan cudur daar u noqon karo in shisheeye loo raadsado kaalmo. Wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay ku dhaqanto wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dalka.
GalmudugMirror
Garoowe, Puntland