Puntland oo si adag uga hadashay wax ka beddalka Dastuurka

0
30

Puntland oo si adag uga hadashay wax ka beddalka Dastuurka

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdiwahab ayaa si kulul uga hadlay qorshaha wax ka badalka Dastuurka oo ay ku howlan tahay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Wasiir Maxamed Cabdiwahab ayaa si gaar ah weerar afka ah ugu qaaday wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Wasiir Fiqiyoow dastuur aan soomali u dhammeyn adiga iyo Xassan Shiikh iyo Xassan Macalin ma badalikartaan, meel aad gayn kartaana ma jirto ee cayaarta jooji, Dastuurka KMG ee qeexaya hanaanka Federaalka iyo nidaamka dowliga ah ee dalku qaatey oo ah Baarlamantari, leh Xisbiyo badan, Madaxwayne iyo Raisulwasaare waxaa shaqadiisu ka soo bilaabatey  cahdi-qarameedkii ka soo baxey Shirkwaynihii Imbigaati 2003-2004 kaas oo ay ansaxiyeen 3000 oo ah Ergo Somaliyeed. Waxaa sidaas lagu qaatey Nidaamka Federaalka ah” ayuu yiri Wasiirka Cadaalada arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland Maxamed Cabdiwahab.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka Cadaalada arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland Maxamed Cabdiwahab in Wasiir Fiqi looga baahan yahay inuu Al-shabaab ka xureeyo deegaanada uu kasoo jeedo oo ay kooxdu ka talineyso mudo ka badan 15 sano.

“Fiqiyoow deegaanka aad ka soo jeedaan ee shabaabku haysto 15 sano calan Soomaliyeed aan laga taagin orad oo ka xoree shabaabka, adeegyada dowladdana dadka gaarsiiya, ayadaa dan inoo wada ah maante” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdiwahab.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay inaan waqtigaan loo baahneen in la badalo Dastuurka, hayeeshee waxa loo baahan yahay ay tahay kaliya in la heshiiyo oo la dhameystiro qodobada dhiman.

Weerarkani afka ah oo ka yimid wasiirka cadaaladda Puntland ayaa ku soo aadaya xilli meel xasaasi ah uu marayo khilaafka ka dhashay wax ka beddalka dastuurka KMG ah ee dalka u degsan.

GalmudugMirror

Garoowe, Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here