Qabshada Galcad oo lagu dhawaaqay iyo ciidanka oo isku…
Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo ka wada degaanno dhaca bariga gobolkani Galgaduud.
Howlgalladani ayaa qorshaha uu yahay sidii lagu qaban lahaa degaannada ay wali maamulayso dagaallamayaasha Shabaab, kuwaasoo ay ugu horreeyaan magaalooyinka waa weyn ee Ceelbuur iyo Galhareeri.
Saraakiisha horkacaysa howlgallada waxay u sheegeen Shabakaddani GalmudugMirror in ujeedku yahay qabashada magaalooyinka bariga gobolka Galgaduud.
Guutada 19 aad ee Gumac, ilaalo Qaran ayaa lagu diyaarinayaa degaanka Daaru Nimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe si ay u qabtaan degaanno ay ku jirto Galcad.
Taliye Hurdaaye, ayaa sheegay in taliyaha ciidanka xoogga dalka uu amar ku siiyay in la sifeeyo degaannada dhaca xuduudda Galgaduud uu la leeyahay Shabeellaha Dhexe iyo sidoo kale degaannada bari ee gobolkaan.
Howlgalladani ayaa muddo soconayay waxaana Alshabaab looga qabtay magaalooyinka waa weyn iyo degaanno istaraatiiji ah kuwaasoo qaarkood dib looga soo baxay iyaguna ay u qabsadeen, marka xaalka dagaalka ayaa wali u muuqa faanoole fara kama qodna.
GalmudugMirror
Dhuusamareeb, Galmudug