Reysal wasaaraha Xamse oo luuqad adag kula hadalay Maamulka Soomaaliland
Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka hadalay munaasabadda xuska 26-ka June oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa si adag ula hadalay soomaaliland uu hogaamiyo muuse biixi cabdi.
Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay sanad-guurada 64-aad ee ka soo wareegtay markii xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee dalka, wuxuuna hambalyo guud u diray shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan isagoona tilmaamay in ay soomaaliya rajo weyn ka qabaan in ay markale hesho midnimo iyo wada jir.
“Waxaan ugu hambalyeynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun oo ku beegan sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegtey markii ay Gobollada Waqooyi Xorriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, isla markaana calankeenna laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha jamhuuriyada fedraalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Bare.
Sidoo kale Resal Wasaaraha soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay hadalo aan horay looga baran madaxda soomaalida oo ah run isu sheegida isagoona yiri ‘Farriinta aan dirayo waxaan u dirayaa qolo kale oo riyoota, waxay dheheeen taariikhbaa naga qaldantay oo aan saxeynaa qoladaas waxaan leeyahay haddii ay cid wax ka qaldantay oo taariikhda ka qaldan tahay annaga ayuu naga qaldan yahay” ayuu yiri Xamse ’
Hadalkan Raeysal wasaaraha ayaa ka careysiisay hogaamiyaha Soomaaliland isagoona sheegay in ay soomaaliland horay u ogeed cadawtimo koonfurta soomaaliya.
W/Q Mahdi