RW Geeddi oo taageeray doorashada Qof iyo Cod

0
40

RW Geeddi oo taageeray doorashada Qof iyo Cod

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladdii KMG Prof. Cali Maxamed Geeddi oo wareysi siiyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Waxaa uu madaxda dowladda federaalka ku bogaadiyay dadaallada ay ku bixineyso arrintaas si dalka oo dhan looga hirgaliyo.

Mudane Cali Maxamed Geeddi ayaa tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabto in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah si shacabka ay u soo doortaan cidda hoggaanka u ah.

“Waan la socdaa in dowladda ay dadaal badan ku bixineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah,.waana waxa umadda Soomaaliyeed si wayn u sugeysay mudda kabadan 50-sano.,shacabkuna soo doortaan cidda hogaamineyso waana arin fiican in awooda shacbka loo celiyo” ayuu yiri Mudane Cali Maxamed Geeddi.

Ra’iisul Wasaare hore Cali Maxamed Geeddi ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay doorashada shacabka loo celiyo too abuureyso kalsooni buuxda, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay dadaallada dowladda ee doorasho qof iyo cod ah garab wayn lagu siiyo.

“Golaha wadtashiga iyaga ayaa kal hore ku heshiiya doorasha qof iyo cod ah hadan in siyaasiyiinta qaar ka horyimadaan waxa ay shalay ay noo sheegen waxa laga filayay ma ahan, balsa waxaan kula talin lahaa in loo tanaasulo dalka iyo dadka”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in dalka uu aaday hanaanka doorasho ee qof iyo cod-ka ah, taasoo meesha ka saareyso hanaanka doorasho dadban oo muddo lagu soo jiray

Xafiiska Muqdisho

Shabakadda GalmudugMirror

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here