RW hore Sharmaarke oo ka digay qalalaase xilli dastuurka uu…

0
38

RW hore Sharmaarke oo ka digay qalalaase xilli dastuurka uu…

Cumar Cabdirashiid Cali oo hore dalka laba jeer ka soo noqdey Ra’iisul wasaare ayaa dhaliiley sida ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh u waddo dhamaystirka dastuurka taas oo ku dhisan wada-tashi la’aan iyo waxa aanan la isla oggoleyn.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in howsha dastuurka ay isku koobeen gacmo gaar ah taasna ay keeneyso mad-madow siyaasadeed.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay dabada ka riixaysaa dastuur cusub iyada oo og in uu ka maqan yahay guud ahaan in dadka iska leh lagu wada qanciyo. Baarlamaanka 11-aad oo cadaadis saaran yahay ayaa laga yaabaa inuu meel mariyo nooca cusub ee dastuurka la soo jeediyay, laakiin ma ahan mid ku dhisan wada-tashi qaran, natiijadaas oo kale waxay noo horseedi kartaa qalalaase siyaasadeed oo albaabada u furi doona faragelinta beesha Caalamka” ayuu Raysal wasaare hore Cumar Cabdirashiid ku soo qoray bartiisa X Twitter.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay Ra’iisul wasaare Sharmaarke, in dastuurka ku meel gaarka ah uu soo maray hannaan la tashiyo ballaaran.

“In nidaamka Madaxweynaha & hal deegaan doorasho loo maro baarlamaanka iyadoo halku-dhiggiisu yahay dhamaystirka dastuurka waa suurtogal. Laakiin udub dhexaadka arrintu waa in sharcinimadeeda ay u baahan tahay is-afgarad ballaaran, taasna kuma imaaneyso in loo maro baarlamaanka” intaas ayuu hadalkiisa sii raaciyay RW hore Cumar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan wax gorgortan ah ka galaynin dhamaysirka dastuurka inkasta oo lagu eedeeyey in aysan ahayn dhamaystir ee uu wada beddalay dasuurkii heshiiska lagu ahaa.

Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo muddooyinkii dambe waday ka doodista wax ka beddalka dastuurka qabya-qoraalka ah ayay aad ugu kala duwanaadeen qodobada wax ka beddalka lagu sameeyay iyo hannaanka loo marayba, inkastoo badi sharci dejiyeyaasha iyo aqalka sareba ay taageersan yihiin ololahani dalka uu ku helayo dastuur dhamaystiran.

GalmudugMirror

Muqdisho, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here