RW Khayre “Dastuurka waxaa laga leeyahay dano gaar ah”
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, oo ka hadlayay arrimaha dastuurka ayaa faahfaahin cusub ka bixiyay qodobada ay ku diidan yihiin madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya in deg deg loo meelmariyo qorshihiisa dhameystirka dastuurka.
Raysal wasaare hore Khayre ayaa tilmaamay in qorshaha dowladda Soomaaliya ay wado uu yahay dastuur la bedelayo, balse uusan aheyn dastuur la dhameystirayo, isagoo ka deyriyey xaaladda ay Soomaaliya cagaha la sii geleyso.
“Dalkeennu wuxuu maanta ku jiraa xaalad adag, gudaha iyo dibaddaba. Maanta ayaana ugu baahi badannahay midnimo iyo wadajir, balse ma dooneyno in la kala fogeeyo dadkii Soomaaliyeed ee ku kala tegay dagaallada sokeeye,” ayuu yiri Kheyre.
Madaxweynaha dowladda federaalka DR. Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu uga digay Khayre inuu dalka ku maamulo kaligii talisnimo, isagoo u soo jeediyay in talada wax ka beddalka dastuurka dhexda uu soo dhigo si looga heshiiyo.
“Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh dib u xusuusinayaa in uusan ka leexan wadadii aan ku baadi goobeynay midnimada Soomaaliya iyo masiir loo dhan yahay, isla markaana uusan iloobin hadaladiisii ahaa in qof kaligiis ah uusan go’aan ka gaari karin masiirka umadda Soomaaliyeed,” ayuu RW hore Khayre hadalkiisa raaciyay.
Xasan Cali Kheyre ayaa cod dheer ku dalbaday in talada dastuurka dhexda lasoo dhigo, isla markaana meel la isla dhigo danaha gaarka ah ee laga dhex arkayo dastuurka, kuwaas oo sida uu sheegay aan u adeegeyn danaha dadka Soomaaliyeed.
Khilaafka siyaasiga ah ee ka dhashay wax ka beddalka dastuurka KMG ah ayaa gaaray meeshii u sarreysay iyadoo siyaasiyiinta badi ay ka biyo diiddan yihiin qodobo cusub oo ay ku sheegeen kuwa dana gaar ah ay ka leedahay madaxtooyada kuwaasoo lagu soo kordhiyay.
GalmudugMirror
Muqdisho, Soomaaliya