RW ku xigeenka DF oo waayay kursigiisii Aqalka Sare
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Saalax Saalax Jaamac ayaa maanta waayey xubinimadiisii Golaha Aqalka Sare, sida uu shaaciyay guddoomiyaha aqalkaasi Cabdi Xaashi Cabdullahi oo guddoomiyay kulan ay maanta yeesheen Senatorrada Aqalka Sare.
Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka aanu soo xaadirin kulamada gollaha muddo laba sano iyo bar ah, sidaasna uu ku lumiyay kursigiisa.
“Sida ku cad qodobka 59aad farqadda 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi.
Geesta kale, wuxuu isku dayay in Ibraahim Iidle Suleymaan oo horey usoo noqday guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka uu ku buuxinayo booska uuu waayay Saalax, kaas horay ugu la tartamay kursiga, balse waxaa diiday Senatorrada kale.
Dood xooggan ayaa arrintani ka dhalatay taasoo hareysay kulankii maanta xubnaha aqalka sare ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaana qaar kamid ah xildhibaannada ay diideen qorshaha guddoomiyaha oo doonayay in isla maanta kursigan loo dhaariyo guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare.
Xildhibaannada ka horyimid dhaarinta ayaa ku dooday in aysan suurtagal ahayn, maadaama aan dastuurka lagu heshiin.
Senator Xasan Kobac oo kamid ah xubnaha diiday ayaa yiri “Waa degdeg arrintan sax maaha in golaha uu ka shaqeeyo nidaam aan sax ahayn oo qofaan keenaa, midna waan tiraa ah”.
Dhankeeda Senator Zamzam Daahir “Kursiga reer Soomaaliland ayaa iska leh Cabdi Xaashi ayaana masuul ka ah wixii reer Soomaaliland ah Gudoomiye Xafiiskaaga kusoo dhamee Senatorka nasoo ag fadhiisi kaliya”.
Xafiiska Muqdisho
Shabakadda GalmudugMirror