RW Xamsa oo amar culus faray taliyeyaasha Booliska iyo NISA

0
24

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka koobaad ee xukuumadda Xamsa Barre ayaa halkaas wuxuu warbixinno ku saabsan amniga dalka kaga dhageystay Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyeyaasha ciidanka Booliska iyo NISA.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa faray hey’adaha amniga in ay dardargeliyaan xaqiijinta ammaanka dalka, kana feejignaadaan dhagarta uu cadowgu ku khal-khal gelinayo ammaanka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu faafiyay xafiiska warfaafinta ee xafiiska Raysal wasaaraha.

Mar kale ayuu mudane Xamsa ku celiyay in ajandaha Xukuumaddiisa DanQaran oo uu sheegay in ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay daadinta dhiigga bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka iyo ciidanku ay yeeshaan iskaashi dhow, si loo fashiliyo shirqoolka cadowga.

GalmudugMirror

Muqdisho, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here