RW Xamsa oo guddoomiyay kulan xasaasi ah, xilli khilaafka…

0
30

RW Xamsa oo guddoomiyay kulan xasaasi ah, xilli khilaafka…

Mudane Xamsa Cabdi Barre Wasiirka koobaad ee  Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, taas oo ku saleysan qorshaha Xukuumadda DanQaran ee casriyeynta dowladnimada Soomaaliya.

Gaaritaanka isku filnaansho dhaqaale, loona yareeyo saboolnimada ayaa xukuumadda Ra’iisal wasaare Xamse Barre sheegtey in ay mudnaanta siin doonto soo nooleynta kaabaayasha dhaqaalaha iyo adeegyada muhimka ee dalka sida waxbarashada, Caafimaadka, beeraha, Kaluunnka, Xoolaha Kheyraadka dabiiciga ah, dalxiiska iyo dhismaha waddooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradaha wax-soo-saarka looga fadhiyo sidii ay dalka u gaarsiin lahaayeen isku filnaansho dhaqaale, isaga oo kula dardaarmay in ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow, si wadajir loogu xaqiijiyo hadafka Xukuumadda ee la xiriira isku-filnaansho dhaqaale oo ay Soomaaliya gaarto.

Waxaa sidoo kale kulankani lagu soo bandhigay oo intii uu socday lagu dhagaystay warbixinno la xiriira, barnaamijka istiraatijiyadeed ee Bangiga horumarinta Afrika iyo qorshaha isbeddelka Qaranka iyo Labs’ka Wasaaradaha wax-soo-saara dalka.

Galmudugmirror

Muqdisho, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here