RW Xamse oo qaabilay Ergayga Shiinaha ee Geeska Afrika
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda FS Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiikiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing.
Wasiirka koobaad ee xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo ergeyga Shiinaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Warsaxaafadeed laga soo saarayxafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in mudane Xamse uu Xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Xue Bing, islamarkaana ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo Jireen ka ah ee u dhaxeeya labada dal.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya, sida lagu sheegay Qoraalka uu soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Dhinaca kale, Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing ayaa sheegay in ay Soomaaliya mar walba garab taagan yihiin, haddana sii xoojin doonaan taageeradooda.
GalmudugMirror
Muqdisho, Soomaaliya