Sarkaal Alshabaab ah oo gacanta lagu dhigay + magaciisa
Howlgal gaar ah oo ay sameeyeen Ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo qabtay sarkaal ka tirsanaa Alshabaab.
Sida saraakiishu shaaciyeen waxaa howlgalka uu ka dhacay deegaanka Kuunyabarow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ku soo qabtay Sarkaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa magaca sarkaalkani ku sheegtay Aadan Maxamed Cali Dhaayoow ayaa lagu soo bandhigay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay isaga iyo hubkii uu watay.
Ninkaan ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ayaa ku labisnaa dharka tuutaha ee ciidanka dowladda Fedaraalka, waxaana ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ay ku wareejiyeen ciidanka Nabadsugida ee ka howlgala degmada Buurhakaba.
Ciidamada sanad sugidda Koofur Galbeed ayaa dhowaan magaalada Baydhabo kusoo bandhigeen 12 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo lagu soo qabtay howlgalo ciidanku ka sameeyeen gudaha iyo daafaha magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyntii deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxaa ka socda maalmahii ugu dambeeyay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga dalka, kuwa dadka deegaanka iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.
GalmudugMirror
Baydhabo, Koonfur Galbeed