Sawirro: Ciidanka oo ka hor-tegay weerarro Qaraxyo ah
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidamada huwanta ah ay maanta ka sameeyeen goboolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay degaanka Daaru-Nicma oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe.
Howlgalladan ayaa waxaa si gaar ah isaga kaashaday Guutada 19-aad ee Gumac iyo ciidanka Macawiisleyda oo isku fidiyay aagga deegaanka Daaru-Nimca ee gobolkaasi.
Sida ay shaaciyeen saraakiisha horkacaysay howlgallada ciidamada isku dhafka ah ayaa fashiliyay weerarro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen dagaallamayaasha kooxda Al-Shabaab oo iyana ku sugan halkaasi.
Saraakiishu waxaa ay sheegeen inay soo saareen miinooyin ay kooxda ku aastay deegaanada Daaru nimca iyo Burka Fiiqey ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in ujeedka u ahaa in qaraxyadaas lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanada ay ka socdaan howlgallada.
“Ciidanka ayaa dhulka howdka ah ka saaray miinooyin ay khawaariijtu damacsanaayeen in ay ku dhakraan Shacabka ku dhaqan deegaanada ay ciidanku howlgalka ka sameeyeen” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay boggaga warbaahinta dowladda Soomaaliya.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weli goobaha howlgallada laga fuliyay ku sugan ciidamada huwanta oo sii baacsanaya maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.
Daaru-Nicma ayaa dhowaan waxaa ka dhacay dagaal xooggan kaddib markii Shabaabku ay isku dayeen inay dib u qabsadaan.
Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha sida adag loogu jabiyay kooxdan gacan saarka la leh argagixisada Alqaacida ee Alshabaab.
GalmudugMirror
Jowhar, Hirshabeelle