Sawirro: Puntland oo cabasho u gudbisay QM+Sababta?
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ay hoggaaminayso Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.
Ka dib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada, Dowladda Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa Beesha Caalamka, iyadoo Madaxweyne Deni uu la wadaagay Qaramada Midoobey Qoraalka rasmiga ah ee Go’aanka Dowladda Puntland.
Inta uu socday shirkani ayaa looga hadlay arrimo kale duwan waxaana Puntland ay u gudbisay Qaramada Madoobe cabasho ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya taasoo la xariirta dastuurka.
Waxaa laga wada hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay iska kaashaadaan Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha Dowladda Puntland, iyadoo la dardargelinayo wada shaqeyn toos ah.
Puntland ayaa Qaramada Madoobe ka dalbatay in mashaariicda ay ka fuliso Soomaaliya ay si gaar ah il ugu heyso oo dowladda dhexe khilaafka kala dhaxeeya uu saameeyay wax badan oo loo soo marsiin jiray markii hore.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Qaar ka mid ah xubaha Golaha Wasiirada , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.
GalmudugMirror
Garoowe, Puntland