Shariif oo ku gooddiyay in dastuurka uusan hirgalaynin xataa haddii la…

0
35

Shariif oo ku gooddiyay in dastuurka uusan hirgalaynin xataa haddii la…

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Shariif Sheekh Ahmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ka shaqaynayo Siyaasad ku dhisan Qabyaalad.

Waxaa uu sheegay Shariif Axmed in wixii shalay ay wadajir u diidanaayeen isaga iyo Xasan Sheekh markii ay mucaaradka ahaayeen wax ka culus uu dalka ka socdo.

“Shalay aniga Madaxweyne Xasan Sheekh iyo rag kale oo mucaarad ah halkan ayaan wada taagneyn annagoo ka horjeedno Farmaajo oo aan ku eedeyneynay hannaankii doorashada inuu afduubay , qabiilnimo ma aheyn waxa aan ku diidaneyn”.

“Maanta wixii aan barigaa wadajir u diidaneyn wax ka culus ayaa socda, dastuur ummaddu wada leedahay ayuu Madaxweynuhu leeyahay sidan rabo haleygu qoro,oo yaan leyga farafareyn, cidna kalama tashanayo”.

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa hoosta ku gooddiyay in dastuurka haddii la aqbalo xataa uusan hirgali doonin.

“Waxaan u sheegayaa walaalkeey xitaa hadii wax aan sax aheyn ay Baarlamaanka mariyaan ma shaqeyn doonaan” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed

 “Sidoo kale is aaminaadii ayaa hoos u dhacday, Waxaan leenahay Madaxweyne ku soo laabo waddada saxda ah , dalkaan ha gaarsiin meel aan laga soo celin karin , wixii shalay aad diidaneyd cid kaa yeeleysa ma jirto” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Hadalka madaxweynihii hore Shariif Axmed ayaa ku soo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasiga ah ee ka dhashay wax ka beddalka dastuurka KMG ah.

GalmudugMirror

Muqdisho, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here