Shir lagu qiimaynayo hay’adaha DF oo maalinkii labaad galay
Shirka dib loogu eegayo mashaariicdii uu Bankiga horumarinta Afrika ka fuliyay Soomaaliya 2022 illaa 2024 ayaa galay maalinkiisii labaad.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige ayaa shalay furay shirkani.
Inta uu shirku socdo ayaa dhammaan hay’adaha dowladda lagu qiimeyn doonaa mashaariicda Bankiga horumarinta Afrika uu maalgelinayay sanadihii la soo dhaafay, waxqabadkoodii iyo caqabadihii uu la soo kulmay.
Qiimeyntan ayaa saldhig u noqon doonta qorshaha Bankiga horumarinta Afrika uu diyaarinayo shanta sano ee soo socoto, sida uu sheegay Wasiir Biixi Iimaan Cige.
Xildhibaan Biixi Cige Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka, ayaa Bankiga horumarinta Afrika si gaar ah uga mahadceliyay doorka ay ka qaateen koboca dhaqaalaha dalka, dhiirrigelinta maalgashiga iyo xasaradaha ka dhasha is-beddelka cimilada.
GalmudugMirror
Muqdisho, Soomaaliya