Shirka dibuheshiisiinta beelaha mariixaan iyo Dir oo berito ka furmaya Dhuusamareeb

0
45

Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in magaalada dhuusamareeb uu ka furmo shirka dib uheshiisiinta beelaha Mariixaan iyo Dir oo dhawaan dagaal dadbadini ku dhinteen u uku dhexmaray deegaanka laandheer ee hoostaga degmada Caabudwaqq gobolka galagduud.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi klaariye oo horay baxay goobta colaadu ka dhacday isagoona ku guuleystay joojinta colaada labad beedlood halkaasna geeyay ciidamada dowlada si loo joojiyo dagaalka dhiigu ku daadanayo loona kala dhex galo maleeshiyaadka ayaa ku guuleystay jiooojinta colaada.

Waxa uuna labada beelood ugu baaqay in ay ajiibaan go’gol wada hada xaajoog uuna dhigay magaalada dhuusamareeb caasimada Galmudug , waxaana magaalada dhuusamareeb soo gaaray labadii beelood ee colaadu dhexmartay iyagooni madaxweynaha ula kulmay si gooni gooni ah , waxaana lagu wadaa in berito oo isniin ah uu si toos ah u furmo shirka Dibueshiisiinta labada beelood.

Inta uu shirku socdo ayaa waxaa garwadeen ka ah columaa u diinta deegaanka iyadoona madaxweynaha Galmudug u xilsaaray gudi farsamo oo wada hadashiin doona labada beelood.

Waxaana la rajeynaa in uu shirkaasi ku soo dhamaado is afgarad iyo wada xaajood dhab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here