Shirka Xoojinta Doorka Haweenka Nabadda iyo Xasiloonida oo laga daah furay Dhuusamareeb.

0
111

Shirka Xoojinta Doorka Haweenka Nabadda iyo Xasiloonida oo laga daah furay Dhuusamareeb.

Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul Insaanka Dowladda Galmudug ayaa caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamareeb ka daah-furtay Tababarka Xoojinta doorka haweenka Galmudug ee Nabadda iyo Xasiloonida degaanka.

Tababar kan oo ay ka qayb-galayaan Hoggaanka Haweenka degmooyinka Galmudug sida Gaalkacyo, Cadaado, Caabudwaaq, Balanballe, Xarardheere, Wisil, Baxdo, Guriceel, Hobyo, Xeraale,iyo Dhuusamareeb ayaa diiradda lagu saarayaa haweenka, ka qayb-galka nabadda’ dib u heshiisiinta, iyo ka hortaga isku dhacyada colaadaha beelaha ee ka jira degaanada Galmudug.

furitaanka aqoon-iswaydaarsigan waxaa ka qayb-galey’ Wasiiro ka tirsan Dowladda Galmudug sida Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Galmudug Cabdullahi Axmed Maxamed (Wakiil) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamed Nuur Diini’ agaasimaha Guud Wasaaradda haweenka Galmudug maxamed Cali Allaale’ Wasiirka Dekadaha Galmudug Cabdullahi Kulmiye’ agaasimaha Madaxtoyada Galmudug Cusmaan Macallin Xasan iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Haweenka & Xuquuqul insaanka Dowladda Galmudug Maxamed Cali Allaale oo furitaanka Tababarka ka hadlay ayaa sheegay in isu imaatin-kan uu qayb- ka yahay shirar in muddo ah ay soo waday Wasaaradda Haweenka isagoo tilmaamay in ujeedku uu yahay in la Xoojiyo doorka Haweenka Galmudug ee Nabadda’ Xasiloonida iyo in laga gaashaanto in Dumarku aysan qayb ka noqon isku dhacyada Colaadaha beelaha ee ka jira Degaanada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here