Siyaasi dhalleeceeyay madaxweyne Saciid Deni

0
9

Siyaasi dhalleeceeyay madaxweyne Saciid Deni

Siyaasi Maxamed Cabdullaahi Xuseen (Shoortaayo), oo wareysi bixiyay ayaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku eedeeyay in uu mas’uul ka ahaa baabi’intii Shilin Soomaaliga, kadib markii dowladdiisu diiday isticmaalka Lacagtaasi.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in joojintii Madaxweyne Siciid Deni uu ku sameeyay Shillinka Soomaaliga ay sababtay musiibo dhaqaale iyo sicir-barar maciishadeed oo culayskiisu ku dhacay danyartii markii horeba duruufaha adag ku noolayd.

Siyaasi Shoortaayo ayaa tilmaamay in dowladda Puntland oo diiday qaadashada Shilin Soomaaliga ay sabab u noqotay in shacabkii ka aamin-baxaan Lacagtaas, islamarkaana cid qaadata la waayay, sidaasina ay suuqa kaga baxday.

“Markii dowladda Puntland diiday lacagtii Shilin Soomaaliga, waa laga aamin-baxay, waxaana ay noqotay mid agoon ah oo aan cidna lahayn mar haddii dowladdii mas’uulka ka ahayd-ba tiri qaadan mayno” ayuu yiri siyaasi Shoortaayo.

Wuxuu intaasi raaciyay in dowladda Puntland isku dayday in ay dib qaladkeeda ka saxdo oo Lacagta suuqa ku soo celiso, kadib markii ay guddiyo u saartay, balse taasina ay shaqeyn weyday

“Dib bay qaladkooda ka ogaadeen, waa suxul-duubeen, waa xarbiyeen oo markaasi qolo khubaro loogu yeeray baa loo saaray soo celinta Lacagtaasi, balse khubaradiina waxba samayn kari weyday” ayuu sii raaciyay Shoortaayo.

Wuxuu sidoo kale Madaxweyne Deni ku eedeeyay, in uu ku faanay oo libin ka dhigtay baabi’intii Shilin Soomaaliga ee sababtay sicir-bararka iyo saboolnimada ilaa iyo hadda laga soo kaban la’ yahay degaannada Puntland.

Suuqyada waa weyn ee Puntland iyo magaalooyinka ayaa muddooyinkii dambe laga dareemayay sicir-barar xagga maciishadda ah.

Xafiiska Garoowe

Shabakadda GalmudugMirror

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here