Somaliand oo war cusub ka soo saaratay heshiiskii badda unaga digtay turkiga.

0
25

Somaliand oo warcusub ka soo saaratay heshiiskii badda unaga digtay turkiga.

 Warbixin xasaasi ah oo kasoo baxday Maamulka gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa waxaa loogu xusay  dhowr arimood oo u qabsoomay xukuumadda soomaaliland  ee todobaadkii tegay, waxaana warbixinta looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan heshiiska bada ee u dhaxeeyayitoobiya iyo Maamulka Biixi,  doorashada iyo dhowr arimood oo kale .

Nidaamka Somaliland ayaa sheegay inay ka go’an tahay in dhowaan la hirgeliyo heshiiska badda ee ay la gashay Itoobiya, waxayna ku adkeystay in aan waxba laga beddali doonin heshiiska arimaha badda ee itoobiya ay la gaareen.

Waxayna sidoo kale  ka digtay in maraakiibta dagaalka Turkiga ay soo gaaraan xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo la filayo inay soo dhawaan soo gaaraan xeebaha guud ahaan soomaaliya si loo fuliyo heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga kuna saabsanaa difaaca badda iyo bariga soomaaliya . Dhanka kale  maamulka Somaliland ayaa sheegtay in safiirkooda Itoobiya laga guddoomay warqadaha aqoonsiga, isla markaana horay loo sii wado xiriirka labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here