Soomaali noqday RW ku xigeenka cusub ee Itoobiya
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa u magacaabay Ra’iisul wasaare ku xigeen Itoobiya inuu noqdo siyaasi ka soo jeeda Soomaalida dalkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa Aadam Faarax u magacaabay in uu noqdo Ra’iisal Wasaare ku xigeen ahna Madaxa Xafiiska Isku xirka Xarunta Dhismaha Dimuqraadiyadda laga bilaabo 01 Abriil 2024.
Aadan Faarax ayaa hore u ahaa Madaxa Xisbiga Barwaaqo iyo gudoomiyaha Golaha shucuubta Itoobiya.
Sidoo kale Aadan Faarax ayaa Xukuumadda Degaanka Soomaalida ka soo noqday Madaxweyne ku xigeen.
Aadam Faarax Ra’iisul wasaare ku xigeenka cusub ee Itoobiya ayaa beddalaya Ra’iisul wasaare ku xigeenkii ahaana wasiirkii arrimaha dibedda ee Dowladda Itoobiya Demeke Mekonnen, kaasoo iscasilay bishii January ee sanadkani 2023-ka, kana soo jeeda gobolka Amxaarada.
Meelo kamid ah Itoobiya waxaa wali ka dhacaya, dagaallo culus oo u dhaxeeya qaar kamid ah qowmiyadaha iyo millateriga Itoobiya.
GalmudugMirror
Muqdisho, Soomaaliya