Tariikh Noleedka allaha u naxariistee Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo), madaxweynihii hore Somaliland oo caawa hargeysa ku geeriyooday.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Waxaan halkaan ku soo koobeynaa taariikhdiisa oo kooban, Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo) Allaha u naxariistee wuxuu ku dhashay magaalada Burco, ee gobolka Togdheer, sannadkii 1938-kii. Aabbihiis wuxuu ahaa ganacsade dabaqada dhexe, ee aan bourgeoisie-ga ahayn, Qoyskiisa dhexdooda wuxuu Siilaanyo ahaa ninka keliya ee nasiib u helay formal education. Wuxuu markii hore ka baxay dugsiyada Cammuud iyo Sheekh Sannadkii 1958-kii ayuu waxbarasho u aaday dalka Ingiriiska, wuxuuna sannadihii 1958–1960 uu GCSE ka sameeyey Jaamacadda London Kaddib wuxuu galay Jaamacadda Manchester halkaas oo uu ka bartay cilmiga dhaqaalaha (economics), isagoo ka soo qaatay BSc. in Economics and MSc in Economics.
Sannadkii 1965-kii ayuu Siilaanyo dib ugu soo noqday Soomaaliya, waxaana loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, xilkaas oo uu hayey illaa 1969-kii, oo taliskii militarigu u magacaabay Xoghayaha Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, kaddib-na Wasiirka Ganacsiga, markii dambe-na wuxuu noqday Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka. Sannadkii 1982-kii ayuu ka fakaday taliska militariga, kaddib markii – si bahdilnimo ah – uu Hoggaamiyihii Taliska Militariga, Maxamed Siyaad Barre, ugu magacaabay la-taliye wasaaraddii uu isagu soo dhisay ee Qorsheynta. Waxay isku mar wada fakadeen Cali Khaliif Galayr, oo isna la-taliye looga magacaabay wasaaraddii uu wasiirka markaas ka ahaa ee Warshadaha. (Waxaan hayaa labadii dikreeto, ee isku-xigay, ee Maxamed Siyaad Barre uu la-taliyeyaal ugu kala magacaabay Siilaanyo iyo Galayr, oo aan sannadkii 2014 ka soo helay British Library, kuna xusay buuggeyga “The Suicidal State in Somalia”).
Laba sano kaddib, 1984-kii, wuxuu Siilaanyo ku biiray Jabhaddii SNM, isla sannadkaas ayaana loo doortay Guddoomiyaha Jabhadda, iyadoo uu ku-xigeen u yahay Cali Maxamed Cosoble (Cali Wardhiigley). Mar kale ayaa Guddoomiyaha Jabhadda SNM loo doortay Siilaanyo sannadkii 1987-kii, waxayse is-khilaafeen Cali Wardhiigley, oo isaga baxay Jabhadda SNM. (Laba sano kaddib, sannadkii 1989-kii, ayuu Cali Wardhiigley wax ka aasaasay Jabhaddii USC, isagoo noqday Guddoomiyaheedii u horreeyey). Kaddib qas iyo qalalaase hoggaamineed (leadership crisis), oo hareereyey hoggaanka Jabhadda SNM, waxaa 1990-kii Guddoomiyaha SNM loo doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur), oo fakaday isagoo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta.
4-tii bishii February, sannadkii 1991-kii, wax ka yar hal usbuuc markii Maxamed Siyaad Barre, si sharaf-darro ah looga ceyriyey caasimadda Muqdisho (ignominious expulsion), wuxuu Siilaanyo qoray warqad taariikhi ah (Situational Paper), taas oo uu ku muujisay inuu yahay mufakar waddani ah, oo daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa, warqaddaas oo uu ku doonayey inuu ummaddiisa Soomaaliyeed kaga badbaadiyo burbur baaxad weyn, oo laga baaqsan karay. Wuxuu soo jeediyey fekrad markaas cusbeyd (innovative idea), oo ahayd in maadaama uu gebi-ahaanba burburay xukunkii dalka (central authority) ay gobollada waqooyi iyo kuwa koonfureed wada-galaan nidaam dowladeed, oo ku dhisan regional autonomy, oo midba uu gaarkiisa isku xukumayo, hase yeeshee ay ka wada dhexeynayso dowlad dhexe (copy-gii warqaddaas, oo ka kooban dhowr iyo toban bog ayaan hayaa). Illaa iyo sannadkii 1993-kii, wuxuu Siilaanyo ku noolaa guri uu ku leeyahay galbeedka magaalada London, wuxuuna wareysiyo joogto ah, oo ku saabsan dagaalladii ka socday waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya uu siin jiray BBC-da. Kaddib, wuxuu ku noqday magaalada Hargeysa, wuxuuna galay Golaha Baarlamaanka Somaliland, isagoo ku jiray illaa sannadkii 1997-kii, oo uu noqday Wasiirka Maaliyadda, ee maamulkii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Sannadkii 1999-kii ayuu Siilaanyo noqday Wasiirka Qorsheynta iyo Wada-Shaqeynta; xilkaan dambe wuxuu iska casilay 2001-dii.
Muddo sagaal sano ah, wuxuu Siilaanyo mucaarad ku ahaa maamulkii Cigaal (2001-2002) iyo maamulkii Daahir Rayaale (2002-2010). Muddadii uu mucaaradka ahaa, ma ahayn Siilaanyihii horey loo yiqiinnay, ee afka gaabnaa; wuxuu ahaa seef-la-bood aan waxba ula harin talisyadii uu ka soo horjeeday, isagoo dagaal siyaasadeed la hor-joogay saxaafadda (eeg qoraalka aan bishii July, sannadkii 2005 ku qoray website-ka Hadhwanaag News). Doorashadii madaxtinimada Somaliland ee 2003 ayuu Siilaanyo galay, si dirqi ah ayaana looga guuleystay. Doorashadii ka dambeysay, ee 2010, ayuu kaga adkaaday Riyaale. Laba sano gudahood, sannadkii 2012, wuxuu Siilaanyo ahaa ninkii billaabay wada-hadalka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, arrintaas oo ahayd mid ay ku dhiirran waayeen Cigaal iyo Riyaale, oo diiddanaan jiray inay ka soo qayb-galaan shirarka dib-u-heshiisiinya Soomaalida. Muddo toddoba sannadood ah ayuu Siilaanyo madaxweyne ka ahaa Somaliland; shan sano oo uu haystay legitimate mandate iyo labo sannadood, oo uu xoog ugu darsaday, ayna soo dhex-galeen Golaha Guurtida, oo dhex-dhexaadiyey isaga iyo mucaaradkii ka soo horjeeday, oo ay ugu horreeyeen Cabdiraxmaan Cirro iyo Feysal Cali Waraabe, oo wada watay xisbiga UCID. Sannadkii 2017 ayuu Siilaanyo xilka ka degay, kaddib markii uu hubiyey in musharrixii uu watay, oo ahaa Muuse Biixi Cabdi, oo ay iskala tirsanaayeen xisbigiisa Kulmiye, inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada.
Axmed Siilaanyo, waxaa lagu xusuusan doonaa inuu ahaa mid ka mid ah farsamo-yaqaan dowladeedka fara-ku-tiriska ah, ee xirfadda u leh maamulka iyo maareynta dhaqaalaha qaranka, ee Soomaaliya-dii xorowday 1960-kii ay soo saaratay gumeysiga kaddib. Wuxuu lahaa aqoon-sare ee dhanka habeynta, qorsheynta iyo istaatistikiska. Wuxuu ahaa maskaxdii ka dambeysay in badan oo ka mid ah mashaariicdii horumarinta bulshada (community development schemes), ee uu hirgeliyey xukunkii militariga, sannadihii 1970-1974, ka hor intii aanan hoos loo soo dhaadhicin. Wuxuu Siilaanyo ahaa mutacallim ku wanaagsan fekradeynta faafinta awoodda dowliga iyo u-daadejinteeda dhanka dadweynaha, oo loo marayo hab gradual ah. Wuxuu lahaa hal-abuur uu ku hindiso barnaamijyo cusub, oo sare u qaadi kara kobaca wax-soo-saarka Soomaaliya. Balse, nasiib darro, isaga oo duqoobay ayuu hantiyey guusha madaxtinimada Somaliland sannadkii 2010, mana uusan haleelin inuu horkaco horumar weyn, oo la taaban karo. Si kastaba, waxaa Ummadda Soomaaliyeed ka baxay caalim dhaqaaleed, rugcaddaa dowli ah, siyaasi waayo-badan-u-joog ah iyo maamul-yaqaan ay Ummadda Soomaaliyeed u aayi lahayd, inuu u soo saaro kaadir xirfad u leh maamulka dhaqaalaha iyo maareynta dowladnimo, xilli baahidii ugu weynayd maanta loo qabo. Allaha u naxariisto, Axmed Maxamed Maxamuud, aamiin