Ujeedka safarka Farmaajo ee Garoowe(XOGTA)
Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland maanta oo khamiis ah. Waxaa lagu wadaa in safarka Madaxweynaha ay ku weheliyaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale.
Madaxweyne hore Farmaajo Safarkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka ka dhashay wax ka beddalka dastuurka qabyo qoraalka ah oo ay Soomaaliya ku dhaqanto iminka.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qorshaha uu yahay in aqalka madaxtooyada Garoowe uu shir wadatashi ah kula qaato Ex MW Farmaajo kuwaasoo daaran arrimaha amniga dalka, siyaasadda iyo arrinta dastuurka.
Ujeedka ugu weyn ee Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ah sidii la isugu duba ridi lahaa qorshaha looga hortagaayo qaabka uu ku socdo wax ka beddelka dastuurka.
Farmaajo iyo Deni ayaa siyaasadda col ku ahaa mudadii uu Madaxweynaha ahaa, waxaana si weyn loo xusuustaa habeenkii Siciid Deni uu ku dhawaaqey musharaxnimada ayaa sheegay inuu ka shaqeenayo sidii meesha looga saari lahaa xukuumada uu hogaamiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo uu sheegay inuu khatar ku yahay xasiloonida iyo midnimada dalka.
GalmudugMirror
Garoowe, Puntland