Ururka Suxufiyiinta Galmudug “Galja” oo maanta Dhuusamareeb ku qabntay xuska munaasabada 3da May maalinta xorriyada saxaafada aduunka.

0
26

Ururka Suxufiyiinta Galmudug “Galja” oo maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad Goboleedka Galmudug kuqabtay xuska munaasabada 3da May maalinta xorriyada saxaafada aduunka.

Munaasabada 3da May ayaa waxaa kasoo qayb galay hoggaanka sare ee ururka suxufiyiinta Gamudug sida Xoghayah ururka suxufiyiinta, Wasiiro ka tirsan dowlada Galmudug , wariyaasha Galmudug iyo  bulshada qaybahooda kala duwan iyo khuburo dhanka warbaahinta ah oo muddo fog kashaqaynayay hormarinta warbaahinta sida loo tayeeyo aqoonta wariyaasha.

Xuska 3da May ee maanta lagu qabtay Dhuusamareeb ayaa aad looga hadlay loogana dooday madax banaanida saxaafada  iyo  Arimaha Caqabadaha Deegaanka.

Ugu horayn ayaa munaasabada waxaa kahadlay xoghayaha ururka suxufiyiinta, Galmudug”Galja”Mohamud Osman Abdulle waxaana uu sheegay in maalintaan qiimo wayn uleedahay warbaahinta dunida sigaara mida Galmudug,waxaana uu hambalyo ku Aadan maalintaan udiray wariyaasha iyo madaxda warbaahinta Galmudug oo uu kacodsaday adkaynta midnimada dhexdooda ah iyo wada shaqayntooda.

Wali Xaashi oo ah Khabiira saxafadeed “kana shaqeeya howlaha horamrinta saxaafada soomaaliya ayaa  bogaadiyay Dadaalada ururka saxufiyiinta Galmudug waxana uuna ku booriyay wariyaasha in ay ka dhowrsadaan waxkasta oo ka baxsan anshaxa saxaafada ugna baaqay dowlada in ay dhankooda dhowraan ogaadaana waxtarka warabaahinta.

Wasiirka kuxigeen xoriyada hadalka ku booriyay saxaafada in ay diiradda saran wayaabaha anfaca u leh bulshada waxa uuna siweyn u bogaadiyay dadaalada isku xirka wariyaasha oo ay bilaabeen GALJA, waxaana loo baahanyahay in markasta doodahaan oo kale la qabto si loo dhiiri galiyo cidii wax fiican bulshada u qabata.

 Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Galmudug Maxamed Nuur Diini ayaa dhankiisa Maalintan  oo ah khabiir warbaahineed muddo fogna kashaqaynayay hormarinta hadalka iyo warbaahinta kana hadlay munaasabada xuska 3da May ayaa hambalyo udiray guud ahaan warbaahinta Gaar ahaan tan kahow gasha Galmudug waxaana uu kutaliyay in marwalbaahi kudadaalaan dadka arimaha saxaafada kashaqeeya hormarinta waxbarashada wariyaasha iyo kobcinta aqoontooda si ay ufahmaan xaqa sharci ee ay leeyihiin.

Intii lagu jira munaasabada xuska maalin xoriyada hadalka ayaa waxaa la qabtay dood wadaag lagu gorfeynayay Xariyada Hadalka iyo Caqabadaha iyo Arimaha Deegaanka

Waxaana dooda ka qeyb galay Xog-hayaha guud ururka suxufiyiinta Galmudug Maxamuud Cismaan Cabdulle , Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug , Dhiib Shiikh Maxamed Cardoofe  Gudoomiya xarunta dhalinyarada KASMO dhuusamareeb iyo Agaasimaha Guud Wsaaradda Deegaanka iyo isbadela Cimilada Galmudug Daahir Cismaan Nuur , waxaa masuuliyiintaan sua’aalo lagu weydiiyay intii uu socda barnaamijka.

Ugu dambayn ayaa munaasabada waxaa kahadlay Wasiir kuxigeen wasaaradda Warfaafinta Galmudug u nxeen Xersi Faarax isagoona bogaabiyay xuska maalin xoriyada hadalka waxa uuna balan qaaday in dowlada Galmudug ay u taagantahay in ay markasta ku dadaali doonto waxkasta oo lagu hor marinaayo xoriyada hadalka iyo guud ahaan  saxaafada ,sidoo kale waxa uu sheegay in amarkasta qaladad uu jiri karo ba;lse dowladu ay diyaar u tahay in ay saxdo waxkasta oo ay tabtaan warbaahinta .

=DHAMAAD=

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here