Ururka Suxufiyiinta Galmudug oo dhuusmareeb ku qabtay Tababar ku saabsan tabinta warbixinada khilaafaadka xasaasiga ah ee xilliyada ololaha doorashooyinka.
Dhuusamareeb – ( Galmudugmirror)-Ururka Suxufiyiinta Galmudug “Galja” oo kaashanaya xafiiska siyaasada qaramada midoobay UNSOM, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad Goboleedka Galmudug ka Daah furay Tabarkaan Sadax maalin oo loo qabtay 25 iskugu Jira Wariyaal iyo bulshada rayidka tababarkaan oo Ku saabsan habka tabinta warbixinada khilaafaadka xasaasiga ah ee xilliyada ololaha doorashooyinka.(Workshop on conflict-Sensitive Reporting in the Context of an Election Campaign.), Iyadoona Wariyaasha lagu bari doono Sida looga waramo ololaha doorshooyinka iyo macluumaadyada la xariiray waqtiyada doorshooyinka.
Munaasabada furitaanka Tababarkan ayaa Waxaa Ka soo qeybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Xildhibaan Xuseen Xersi Farax iyo Agaasimaha Tababarada Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Xasan Cabdiraxmaan Aadan.
Ugu horayntii munaasabada daah furka waxaa kahadlay xoghayaha Arimaha Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Ururka suxufiyiinta Galmudug”Galja”Leylo Cali Cabdi iyadoona sheegay in tabarkaan Uu Maanta qiimo Weyn ugu fadhiyo bahada warbaahinta madaama lagu baranaayo sida warbixino iyo sheekooyin looga taboyo Arimaha ololaha doorashooyinka waxeyna Wariyaasha Ku boorisay in ay Ka faa’ iideystaan macalimiinta Inta Uu tabarka socdo.
Agaasimaha waaxda Tababarada Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Xasan Cabdiraxmaan Aadan ayaa sidoo kale Wariyaasha Kula dardaarmay in ey kafaaideystaan tabarkaan madaama dhawaan la filaayo in Deegaanada Galmudug ey doorashooyin Ka dhacaa, waxa Uu sidoo kale Ururka Saxafiyiinta Galmudug ka dalbaday in la joogtooyo tabaradaan lana gaarsiiyo guud Ahaan degmooyinka kale ee Galmudug.
Ugu dambayn Waxaa munaasabada hadal Ka soo jeediyay wasiir kuxigeenka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Xuseen Xersi Faarax isaga oo si gaar ah bahada warbaahinta u la hadalay ayaa sheegay in wasaarada ay Ka go’ antahay in ay si dhaw ula shaqeyneyso Warbaahinta madaxa banaan iyo sidii loo tayeyn lahaa Wariyaasha isagoona sigaar ah uga hadlay Arimaha doorashooyinka iyo caqabadaha dhacay markasta iyo sida warbaahinta ay arintaas kaga hadasho waana muhiim in Wariyaasha lagu tababaro sidii wararka ololaha doorashooyinka iyo khilaafaadyada Ka Dhasha doorashooyinka sidii ay sheekooyin ugu sameyn lahaayeen , waana bogaadinayaa dadaaladaan ay waxaan Ururka Suxufiyiinta Galmudug iyo xafiiska siyaasada unisom oo markasta taageerta warbaahinta Soomaaliyeed .
Tababarkaan ayaa waxa Uu soconayaa mudo sadax maalin ah waxaan lagu gorfeyn doonaa habka Tabainta warbxinada khilaafaadka xasaasiga ololaha doorashooyinka.
Dhamaad.