Gaalkacyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta Galmudug ayaa maanta dil qisaas ah ku fulisay labo askari oo ka tirsanaa xoogga dalka.
Dable Cabdikaafi Cali Cabdulle ayaa horay u dilay Cadnaan Cali Salaad iyo Iidle Cumar Idiris oo Gorgor ka tirsanaa ayaa asna hore u dilay Bilan Xaashi Salaad ayaa maanta waxaa laga oofiyay khisaastii labadii marxuun oo ay horay u dileen.
Toogashadaan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug waxaana ka soo qeybgalay shacabka iyo ciidamada kala duwan ee dowlada.