Warar kala duwan oo ka soo baxaya safarka Wasiir Fartaag ee Caabudwaaq.

0
34

Warar kala duwan oo ka soo baxaya safarka Wasiir Fartaag uu ku joogay magaalada Caabudwaaq gobolka Galgaduud.

Wafdi uu hogaaminaayo wasiirka wasaarada Aminga Gudaha dowlada fedraalka soomaaliya labadii maalin u danbeysay ku sugnaa magaalada Caabudwaaq Gobolka Galgaduud , isagoona kulamo kala duwan la qaadanayay golaha wasaiirada, xildhibaanada ,maamulka degmada caabudwaaq iyo shacabka degmadaasi.

Wasiirka ayaa waxa uu baadi goob ugu jiray hubkii dhawaan lagu dhacay magaalada caabudwaaq kaas oo gacanta u galay shacabka degmadaas , hubkaan oo dhaliyay doodo kala duwan isla markaan xiisado siyaasadeed ka abuuray gdaha Galmudug ayaa Galmudug ka soo galay dhanka xadka dowlada itoobiya.

Wararka aanu ka heleyno caabudwaaq ayaa sheegaya in ilaa haatan aysan jirin cid si toos ah wasiirka kaga dhageysatay keenista hubkii dhawaan lagu dhacay caabudwaaq , balse kulamo xoogan oo ka dhacay magaaladaas ayaa si toos ah la iskugu sheegay in aan hubkaas gacan lagu heyn uuna intiisa badan gacanta u galay dad kala duwan mana jirto wado rasmi ah oo hubkaas lagu soo celin karo.

dadka deegaanka ayaa sheegay in hubkaas uu ka gudbay xoogiisa caabudwaaq isagoona gaaray magaalooyin kale oo ka kala tirsan Galmudug iyo puntland .

Galmudug iyo dowlada fedraalka soomaaliya labaduba waxa ay ku tilmaameen hubkaasi mid sharcidaro ku soo galay guadaha soomaaliya ayna soo galiyeen ganacsato ka soo jeeda Galmudug taas oo walaac xoogan ku abuurtay labada heer dowladeed ka dib markii uu hubkaani gacanta u galay dad shacab ah.

lama oga waxa uu soo kordhin karo safarka wasiirka aminga gudaha soomaaliya oo heyb ahaan ka soo jeeda caabudwaaq sida ay ugu suurta galyeyso in hubkaas gacanta dowlada lagu soo celiuyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here